Ciidamadii Gadooday ee Gaalkacyo oo xal laga gaaray

Waxaa lagu guulaystay inay dib u howlgalaan Kastamyada Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo saddexdii  Maalmood ee la soo dhaafay u xanibnaa Ciidamo tabasho k qabay Bixinta Mushaaraadka Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Xalinta Arintaan waxaa door weyn ka Qaatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta Axmed Shire Falagle Madaxweynaha Galmudug wakiil ka ahaa ayaa Ciidamada u balan qaaday in dowladdu ay xil iska saari doonto sidii aysan u soo noqon lahayn arintaan oo kale, waxa uuna balan in cabashada hadda taagan saacadaha soo socda la dhamaynayo.

Maamulka Galmudug ayaa xilligaan wajahaya caqabado kala duwan oo badankood uga imaanaya Ururka Ahlusunna, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan ay sheegeen inay ahmiyad gooniya siinayaan dhismaha iyo Dhiirigalinta Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo kaalin weyn ku leh Sugidda Amniga degaanada Galmudug.