Ciidan Hubeysan oo la wareegay dekada Hobyo & Jahwareer ka jira

War goordhaweyd duhurnimadii naga soo gaaray degmada hobyo ee gobolka mudug ayaa lasoo sheegayaa in maleeshiyaad hubeysan ay halkaasi la wareegeen dekadii magaalada.

Ilaa hadda lama oga waxyaabaha ku hoos duugan arintaan balse waxa la sheegay in maleeshiyaadka qabsaday dekada hobyo ay lacago weydiisteen doonta islamarkaana laga diiday.

Lama sheegin tirada lacagta ay dalbadeen maleeshiyadaasi waxana weli xaalada dekada hobyo ay tahay mid aan shaqo ka socon.

Doon ganacsi oo ukireysneyd ganacsato reer galmudug ah ayaana la hor istaagay in badeecadihii saarnaa doonta taas oo dib uga soo laabteen muruq maalkii saaka halkaasi tegay.

Waxaa socda waan waan lagu dhameenayo xiisada ka taagan dekada hobyo iyadoo la doonayo in arinta jah wareerka gelisey howshii dekada la xaliyo.