Cimillada daran iyo cudurka corona marka ay kulmaan maxaa ka dhalan kara?

Dadka ka barakacay dhibaatooyinka ka dhashay isbaddallada cimilada sida fataahadaha iyo duufanata waxay xaalaaddu ku qasabtay in aysan u hogaansamin kala fogaanshaha bulshada, sida laga soo xigtay ururada isu tagga bisha cas iyo ha’yadaha gargaarka.

“Suurogal ma ahan in dadka barakacay ay kala fogaadaan maadaama ay ku sugan yihiin xeryaha barakacayaasha” sida uu BBC u sheegay Marshal Makavure oo ah isu duwaha xaaladaha deg deg ah ee ururka u qaabilsan bariga Afrika.

“Dadka waxaa lagu khasbay inay jebiyaan xeerarka iyo talooyinka ka hortagga Covid-19 marka ay la daala dhacayaan dhibaatadaas.”

BBC-da waxay la hadashay labo qof oo ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay isbaddallada cimilada.

Joseline Kabugo waxay ku sugan tahay degmada Kasese, Uganda

Degmada Kasese ee waqooyiga Uganda waxaa si daran ugu dhuftay daadad baahsan oo horseeday in boqollaal qof ay guryahooda ka qaxaan.

Joseline Kabugo waxay leedahay uur lix bilood ah, waxay ka qaxday gurigeeda iyadoo wadata labo canug oo ay dhashay, haatan waxay ku sugan tahay iskuul loo baddalay xero ay ku nool yihiin barakacayaal.

Waxay halis ugu jirtaa in uu ku dhaco Covid-19, xerada waxaa ku nool 2000 oo qof.

“Waxaan nahay dad nugul oo halis wajahaya,” ayey tiri.

Waxay sheegtay inay ku nooshay hal fasal, iyada iyo saddex qoys oo kale.

“Maka fogaan karo dadka kale sababtoo ah ma jirto meel kale oo bannaan”

“Waxaan qabaa walaaca ah in feyraska uu igu dhaco, waxaan u welwelsanahay carruurteyda iyo canuga uurka ku jiro” ayay BBC ku tiri.

Joseline Kabugo, waxay kasoo qaxday daadadkaLahaanshaha sawirkaPRIM ROSE, RED CROSS
Image captionJoseline Kabugo, waxay kasoo qaxday daadadka

Labadeeda canug wey oynayeen maadama aysan cuneyn cuntada kaliya ah ee laga bixiyo xerada.

Joseline waxay 7-dii bishan May kasoo qaxday gurigeeda markii ay maqashay sawaxanka dad qaxayay.

“Dadka deriska ah ayaa igu wargeliyay dadaadka oo igu dhahay la carar naftaada, guud ahaan tuulada waxaa la wareegay fatahaado xooggan.

“Waxaan gacanta ku dhigay labadeyda canug oo aan la cararay, mana qaadan karin wax kale,” ayay tiri Joseline oo ilimeyneysa.

Seygeeda wuxuu ka shaqeeya deegaan kale maadama xaayiraadda ka hortagga feryaska Korona lagu soo rogay halkaas.

“Ma heysto meel kale oo aan aado, mana garanayo tallaabada kale ee xigta”, ayey sii raacisay hadalkeeda.

Ha’yadaha gargaarka iyo ha’yadda bisha Cas waxay sheegeen in kumannaan qof oo ka barakacay dadaadka ku dhuftay bariga ay ku nool yihiin kaniisado iyo iskuullo, mana heystaan biyo iyo saabuun.

Tobonaan kun ayaa ka qaxay daadadka ku dhuftay bariga AfrikaLahaanshaha sawirkaRED CROSS
Image captionTobonnaan kun ayaa ka qaxay daadadka ku dhuftay bariga Afrika

Fatahaadaha ku dhuftay Bariga Afrika waxaa ku dhintay boqollaal qof halka kumannaan kalena ay guryahooda ka qaxeen.

In ka badan 2,700 oo ruux ayaa cudurka Covid-19 ugu dhintay gudaha Afrika halka kiisaska la xaqiijiyay ay gaarayaan 82,000 qof, sida laga soo xigtay John Hopkins.

Dalalka ay saameeyeen fataahadaha ee ku yaalla bariga Afrika, Tirada dadka u dhintay cudurka waxaa hogaamineysa Soomaaliya oo laga xaqiijiyay 55 dhimasho, waxaa ku xigtaa Kenya oo 50 ah iyo Tanzania oo ah 21 ah.

Subrat Kumar Parihari wuxuu ku nool yahay gobolka Odisha ee dalka Hindiya

Subrat Kumar Parihari, waa beeraley ku nool gobolka Odisha ee dhaca xeebaha bari ee Hindiya, waana qof welwelsan.

Saraakiisha saadaasha hawada ee Hindiya waxay ka digeen duufaanta Amphan oo la filayo inay caga dhigato xeebaha dhaca koonfurta dalkaas, isla markaana ay noqon karto mid khaasare badan geysata.

Subrat Kumar Padhihary iyo qoyskiisa waxay ka walaacsan yihiin duufaanta la sheegay inay kusoo wajahantahay xeebaha bari ee HindiyaLahaanshaha sawirkaOXFAM
Image captionSubrat Kumar Padhihary iyo qoyskiisa waxay ka walaacsan yihiin duufaanta la sheegay inay kusoo wajahantahay xeebaha bari ee Hindiya

Waxaa lagu wadaa in Arbacada ay duufaanta ku dhufato gobollada West Bengal iyo Odisha.

Tuulada uu ku nool yahay Subrat waxay qiyaastii 40 kiiloomiitir u jirtaa badda.

Guriga ay ku nool yihiin isaga, saddex gabdhood uu dhalay, xaaskiisa iyo hooyadiis waxaa sannadkii lasoo dhaafay burburisay duufaanta Fani, marka wuxuu ka walaacsan yahay in duufaanta ay dhibaato taa lamid ah u geeysato.

“Cabsida aan qabo waxay tahay in la i geeyo iskuul ku yaalla meel u dhaw tuuladeyda oo horey looga dhigay xarun karantiil taas oo halis horseedi karta.”

Beeraleygan wuxuu sidoo kale u walaacsan yahay lo’diisa- maadama ay tahay isha dhaqaale ee uu ku tiirsan yahay.

“Gobolka West Bengal ayaa la daalaa dhacaya kiisaska cudurka Covid-19, waana arrinta walaaca abuureysa marka ay timaaddo ka hortagga duufaanta,” sida laga soo xigtay Siddarth Srinivas, oo ah hogaanka siyaasadaha lagu wajahayo cuntada iyo isbaddallada cimilada ee Ha’yadda Oxfam laanteeda qaaradda Asia.

Hindiya waxaa lagu soo rogay xayiraad tan iyo 25-kii bishii MaarsoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHindiya waxaa lagu soo rogay xayiraad tan iyo 25-kii bishii Maarso

Jasiiradaha dhaca badda Pacific

Duufaanta Harlod waxay in ka badan bil ka hor ku dhufatay jasiiradda Pacific.

Dalalka qaar ay saameysay duufaanta waxay dabciyeen xayiraadaha ka dhanka Covid-19, waxayna dadka u ogolaadeen in la geeyo xarumo gaar ah.

Dadka qaar waxay weli ku sugan yihiin xeryaha barakacayaasha maadama haatan howlaha gargaarka uu saameeyay xanuunka safmarka ah.

Dalka ay sida ba’an u saameysay ee Vanuatu, wuxuu muddo ku kordhiyay xaaladda deg deg ah xilli in ka badan 92,000 qof ay dhibaato gaarsiiyeen dufaannada, sida laga soo xigtay ha’yadda UNICEF.

Jasiiradda Fiji, weli waxaa jira xarumo badan oo ay ku nool yihiin dadka ay duufaannadu saameeyeen welina waxaan dib loo dhisin guryo badan oo burburay.

“Caqabadda ugu weyn waxay tahay helidda biyo maadama dufaannada ay burburiyeen dhuumihii biyaha u gudbinayay magaalada,” ayay tiri Vani Catanasiga, oo ah agaasimaha waaxda adeegyada bulshada ee Fiji.

Caawinta dadka ay saameeyeen dufaanada.

Ha’yadaha gargaarka waxay sheegayaan in dadka ay ka caawinayaan ay u hogaansamaan talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo Covid-19.

Irene Nakasiits oo ka tirsan ha’yadda bisha cas waxay saabuun iyo biyo ugu deeqayaan dadka ay daadadku saameeyeen ee ku sugan galbeedka Uganda.

“Inkasta oo ay adagtahay arrintaas, weli waxaan barakacayaasha kula talineynaa inay raacaan talooyinka caafimaad si looga hortaggo cudurka,” ayuu yiri Marshal Mukuvare, oo ka tirsan dalladda ay ku mideysan yihiin bisha cas iyo ha’yadaha gargaarka.