Coronavirus: Maxaa shacabka Belgium looga codsanayaa inay cunaan baradho badan?

Dadka u dhashay waddanka Belgium ayaa lagu yaqaannaa inay jecel yihiin barashada la shiilay. Laakiin beeraleyda ka ganacsada baradhada iyo bataatiga ayaa hadda doonaya inay shacabka labanlaabaan xaddiga ay cunaan isbuucii.

Romain Cools, oo ka tirsan beeraleyda baradhada ayaa sheegay in arrintaas ay ku badbaadinayaan sii jiritaankooda, maadaama uu xilligan ka xiran yahay suuqii dibadda ee ay wax soo saarkooda u dhoofin jireen, sababo la xiriira dhibaatada xanuunka coronavirus.

Chips being eaten in Leuven, Belgium, 2011 file pic

Qiyaastii 750,000 oo tan oo bataati ah hadda ku rasteysan bakhaarrada Belgium, maadaama ay dhaqdhaqaaqii ganacsigaas sidoo kale saameeyeen amarrada lagu xakameeyay dhaqdhaqaaqa dadweynaha.

“Aan labo jeer baradho cunno isbuucii, halkii aan hal mar ka cuni jirnay,” ayuu yiri Mr Cools, oo dadweynaha ka dalbaday inay codsigaas tixgaliyaan.

Tan iyo bartamihii bishii March, waxaa xiran makhaayadaha dalka Belgium iyo dhammaan suuqyadii kale ee lagu iibin jiray barashada. Waxaa dhibaatada ay wajahayaan ganacsatadaas uga sii daray dowladda oo baajisay munaasabado dhowr ah oo la qaban jiray xilliyada kala duwan ee sanadka.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Taas waxaa sii dheer in ganacsigii guud ee bataatiga adduunka uu khasaare galay. Belgium waa mid ka mid ah dalalka caalamka u dhoofiya baradhada ugu badan, oo ay ku jirto midda la barafeeyay.

Wuxuu waddankan sanadkiiba diraa barasho lagu qiyaasay 1.5 milyan oo tan, taasoo uu u kala diro 100 waddan oo kale.

Wax yar oo lagu farxo waxaa ah in ururka ay ku bahoobeen ganacsatada baradhada ee Belgium, oo loo yaqaanno Belgapom, uu hadda soo saari doono 25 tan oo bataati ah isbuuciiba, kaasoo loo kala qeybin doono suuqyada raashinka ee gobolka Flanders, sida ay soo tabiyeen warbaahinta dalkaas.

“Habkan waxaa lagu isticmaali doonaa qeyb yar oo ka mid ah bataatiga, waana uga hortagi karnaa in raashinka aan jecel nahay, oo beeraleydeennuna ay shaqada badan galiyaan uu iska khasaaro,” ayuu yiri wasiirka beeraha ee Flemish, Hilde Crevits oo la hadlayay wargeyska Brussels Times.

Dhibaatada baradhada iyo bataatiga ayaa sidoo kale saameysay gobolka Hauts-de-France, oo ka tirsan dalka dariska la ah Belgium ee Faransiiska.

Waxaa jira ku dhawaad 500,000 oo gobolkaas aan wali looga helin wax macaamiil ah. Waxay u badan tahay in dhammaantood ay khasaaraan.

Mid ka mid ah beeraleyda Belgium, oo ay soo xigatay warbaahinta RTBF, oo lagu magacaabo John Van Merhaeghe, ayaa shaki ka muujiyay inuu adeeg dambe ka heli doono warshadaha lagu diyaariyo baradhada la shiilo.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

“Haddii la dadaalo, oo wax kale la iga iibsado, halkii tan wuxuu qiimihiisa noqon doonaa €15 (£13; $16) – qiimahaasoo toban jibbaar ka yar kii markii hore suuqa looga gadan jiray. 15 euro waa qiimaha ay warshadaha ku bixiyaan qolofka baradhada ee xoolaha la siiyo!”

Beeraley kale oo diiday in magaciisa la xuso ayaa dowladda federaalka Belgium ugu baaqay inay garab siiso, isagoo sheegay in waddanka Netherlands halkii tan oo bataati ah ay dowladdu beeraleyda uga iibsaneyso €50. “Annaguna wali wax sidaasoo kale ah ma aannaan helin,” ayuu yiri.