Cudur Ka Daran Covid 19 Oo Lagu Arkay Gudaha Kenya

Cilmi baareyaal ayaa Waqooyiga Kenya ka wada shaqo ay uga hor tagayaan in fayras halis ah – oo noociisu yahay Mers, oo ay qabaan geela uu u soo gudbo bani’aadamka.

Hadda waxay khubaradu ka cabsi qabaan in cudurkan uu noqon karo safmarka xiga ee adduunka kasoo ifbixi kara fayraska corona kaddib.

Caanaha geela ayey suuragal tahay in uu cudurka soo raaco, sida ay khubaradu sheegeen, waxaana dadka xoolo dhaqatada ah lagu boorriyay in ay iska karkariyaan ka hor inta aysan cabin.

Xanuunkan waxaa markii ugu horreysay dalka Sacuudiga lagu arkay sanadkii 2012-kii. Markii lasoo gaadhay 2016-kii, Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay “in la xaqiijiyay 1,761 kiis oo ah cudurkan lagu magacaabay Mers-CoV, oo ay ku jiraan ugu yaraan 629 dhimasho oo lala xiriiriyay xanuunkaas”.