Cumar al-Bashiir: Madaxweynihii hore ee Suudaan ma lagu heli doonaa eedda xaasuuqa?

Ku dhawaaqista Suudaan inay qorshaynayso in ay madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamulayay Cumar al-Bashiir ku wareejiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa aheyd wax lala yaabo, hasayeeshee waxa ay arrintaasi dalkaasi gaarsiisay heer aanan hore loo arag, waxaa sidaasi qoray Alex de Waal oo khabiir ku ah arrimaha Suudaan.

Go’aanka ah in ICC ninkaas lagu wareejiyo ayaa waxaa soo dhaweeyay inta badan dadka Suudaan kuwaas oo muddo dheer cadaalad sugayay.

Waxyaabihii ay dalbanayeen dadkii dibadbaxayay ee gacanta ka gaystay in la soo afjaro xukunkii 30-jirsaday ee Madaxweyne Bashiir waxaa ka mid ahaa in lagula xisaabtamo eedaha dambiyada uu galay.

Kalma refugee camp Darfur

Dhinaca dibulmaasiyadda markii laga eegana taasi waxa ay tahay iskuday ay Suudaan ku doonayso inay ku caadiyayso xiriirka kala dhaxeeya reer Galbeedka oo ay meesha ka saarto waxyeellada gaartay heer maamuuska qarankaas.

Hasayeeshee hannaanka ayaa waxaa ku horgudban caqabado oo in waqti loo qabto in maxkamadda la horgeeyo hogaamiyayaashii hore ayaa ah mid ay siyaasad ku xeeran tahay.

People protestingLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionIn la maxkamadeeyo Cumar al-Bashiir ayaa aheyd dalab muhiim ah oo ay ku qaylinayeen dadkii rabay in xilka laga qaado
Presentational white space

Waxa ay sidoo kale ku xiran tahay sida ay ICCda u diyaarsan tahay.

Dowladdu waxa ay mudnaanta siinaysaa in dadka rayidka ah iyo janaralladu ay wadanoolaadaan, in dimuqraadiyadda ku meelgaarka ah ee aan cagaha badan ku taagnaynna ay shaqeyso, iyo in walaaca taliyayaasha milateriga ee ah inay ku lugyeeshaan ICCda.

Bashiir ayaa waxa uu xabsi ku qaadanayaa laba sanadood oo loogu xukumay musuq maasuq hasayeeshee waxa doondoonaysay Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada taas oo la xiriirta gabboodfallo loo gaystay dad badan oo 2003 ilaa 2008 ka dhacay gobolka Daarfuur.

Sidoo kale waxaa laga baarayaa inuu ku xadgudbay dastuurka dimuqraadiga ah markii uu afgambi milateri xilka kula wareegay 1989.

Waxyar un kaddib markii xilka laga qaaday Abriishii sanadkii hore, Bashiir ayaa la xiray waxaana la geeyay xabsiga Kober ee la adeegsan jiray waagii gumeystaha uu dalkaas maamulayay, halkaas oo uu laf ahaantiisa uu muddo sanado ah ku hayay boqollaal xildhibaan, midowga shaqaalaha, weriyayaal iyo xubno mucaarad ah.

Hasayeeshee in Bashiir la gayn doono maxkamadda The Hague, ama in maxkamadayntiisa oo ay ku lug leedahay ICC ka dhici doonto Suudaan ayaanan weli kala cadayn.

Gen Burhan addressing a crowdLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionmadaxa golaha ku meelgaarka ah, Janaraal Cabdulfataax al-Burhan, ayaa doonaya in la soo afjaro go’doominta lagu hayo Suudaan

Janaraal Cabdulfataax al-Burhan, madaxa golaha ku meelgaarka ah ee dalkaas maamula, kaas oo haatan ku fadhiya booska madaxweynaha, ayaa waxa uu hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch u sheegay in “aanay jirin cid sharciga ka sarreysa”.

“Dadka cadaaladda ayaa la marsiin doonaa, ha ahaato gudaha ama dibadda Suudaan, iyadoo gacan aynu ka helayno ICC,” ayaa laga soo xigtay inuu yiri. “Si buuxdo ayaan ula shaqeyn doonnaa ICCda.”

Sidoo kale waxay tahay in wax badan laga qabto dhinaca ICCda.

Bashiir wuu diiday maxkamad shisheeye

Markii uu sida kulul u socday dagaalkii Daarfuur bishii Maarso 2005, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kiiskaas waxa uu u gudbiyay maxkamadda qararkaasina tirsigiisu waxa uu ahaa 1593.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa waxa uu bilaabay inuu baaro – walow aanay weligood u safrin waddanka Suudaan.

Laba sanadood kaddib waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday inay jartay warqaddii lagu soo xiri lahaa hogaamiyaha milateriga, Ali Kushayb, iyo xiriiriyihii ololaha Daarfuur wasiirna ka ahaan dowladda Axmed Haaruun.

Bashiir ayaa waxa uu wacad ku maray inuusan weligii qof Suudaan u dhashay uusan u dhiibayn maxkamad shisheeye.

People protesting over the ICC warrantLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionKhartoum waxaa 2008 ka dhacay dibadbaxyo loogaga soo horjeedo ICCda baaritaannada ay sheegtay inay ka waddo wixii ka dhacay Daarfuur

Dacwad oogihii ICCda ee xilligaas, Luis Moreno-Ocampo, ayaa arrinta meel sare gaarsiiyay.

Bishii Julay 2008 waxa uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu warqaddii lagu soo xiri lahaa madaxweynaha laf ahaantiisa, isagoo loo haystay 10 eedo oo dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo xasuuq.

Sideed bilood kaddib xaakimiinta ICCda ayaa waxa ay soo saareen warqaddii lagu soo xiri lahaa, iyagoo meesha ka saaray eeddii xasuuqa maadaama ay kiiskaasi u arkayn mid aan xooganayn.

Man holding a sign saying "Stop genocide in Darfur"Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionXaaladda Daarfuur waxa ay sababtay walaac caalami ah oo socday muddo ka badan 10 sanadood

Hasayeeshee kaddib markii uu dacwad oogaha codsaday ayey xaakimiintu waxa ay dib u eegeen go’aankooda.

Ardayda dhigata shuruucda caalamiga ah ee dambiyada ayey tahay inay si qoto dheer u eegaan sababaha xaakimiinta, sababtoo ah su’aasha asaasiga ah ee in la caddeeyo eedo xasuuq ayey u muuqan doontaa mid sare u kacda waa haddii Bashiir la geeyo The Hague oo halkaas lagu maxkamadeeyo.