Cunnadee ku habboon in aad qaadato kahor, kaddib iyo inta lagu jiro Jir-dhiska?

Seynisyahannadu hore ayey u ogaayeen in waxa aad cunto ka hor, kaddib iyo inta lgu jiro jimicsiga ama jir-dhiska ay saameyn muuqata ku yeelan karaan shaqada jimicsiga ama jir-dhiska.

Sidaas darteed dadka ku takhasusay nafaqada maxay ku talinayaan?

In aad qaadato ka hor jimicsigaaga xogaa cunnada Carbphydrate-ka leh iyo kaddib oo aad qaadato cunnada barootiinku (protein) ku badanyahay aad ayey muhiim ugu tahay jimicsiga.

Cuntadee ayaa ku habboon inaad cunto ka hor, kaddib iyo inta jimicsigu socdo?

Culimada ku takhasustay nafaqada jirka waxa ay leeyihiin sidan:
Ka hor Aalamiitada waxaa habboon in qofku u qaato cunnada leh Carbohydrate-ka, balse waa in uusan ka qaadan wax badan.

Waxa ay ku talinayaan in aad qaadato 1 ilaa 4 garaam oo kaliya ka hor jimicsiga.

Cilmi baaris ay horay u sameysay Jaamacadda Sydney ee dalka Australia, ayaa shegeysa in qaadashada cunnada Carbohydrae-ka Jimcisiga ama jir-dhiska ka hor ay aad u hagaajineyso shaqada jimicsiga iyo adkeysiga jirka, daraasaddaas waxaa lagu daabacay joornaal ka faallooda arrimaha nafaqada 2011-kii.

Nancy Cohen oo ah Madaxa Waaxda Nafaqada ee Jaamacadda Massachusetts ayaa tiri “Waxaa aad u habboon in qofku uu qaato inta lagu jiro jimicsiga biyaha caadiga ah ama biyaha cad “

Ugu dambeyn Culimadu waxa ay ku taliyeen in Jimcsiga kaddib cunnada ugu habboon ee u wanagsan jirka ay tahay cunnada leh Protein-ka (barootiinka) sida ukunta, hilibka digaagga iwm.