Daanyeerkii hadda ka hor sida mucjisada ah u matalay bani’aadanka oo geeriyooday

Danyeer hadda ka hor dunida si weyn uga caan baxay kaddib markii uu isagoo bani’aadan isu ekeysiinaya sawir soo galay ayaa lasoo tabiyay in uu geeriyooday.

Ndakasi, oo ahayd daanyeer dhedig ah – nooca loo yaqaanno gorilla ee ku nool dhulka buuraleyda ah- ayaa xanuun u dhimatay iyadoo 14 jir ah.

Waxay dhimatay xilli uu dhabta ku hayay Andre Bauma, oo ka mid ah ciidanka ilaalada duur joogta, kaasoo iyadoo yar kasoo badbaadiyay keyn ku taalla Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

Mr Bauma ayaa markaas Ndakasi kasoo kaxeeyay kenya xayawaannada ee furan ee lagu magacaabo Virunga, oo ah tan ugu da’da weyn ee ku taalla qaaradda Afrika.

Sanadkii 2007-dii oo ah waqtiga lasoo samata bixiyay waxay jirtay labo bilood oo keliya, waxayna beylah noqotay kaddib markii kooxo ugaarsato sharci darro ah ay dileen waalidiinteeda.

Ciidanka ilaalada duur joogta ayaa go’aansaday in daanyeerkan aan dib loogu celinin keymaha, maadaama aysan waxba ka harin daanyeerradii ay isku dhawaayeen.

Markii dambe waxaa lagu soo koriyay xarun lagu xannaaneeyo xayawaanka oo uu maamulo Bauma.

Sidey caan ku noqotay Ndakasi?

Sanadkii 2017-kii ayuu mar qura caalamka si weyn ugu faafay sawir mucjiso ah oo ay ku jiraan labo daanyeer oo ay ka mid tahay Ndakasi.

Sawirka oo uu iska qaadayay mid ka mid ah ciidamada ilaalada duur joogta ayaa si lama filaan ah looga arkay Ndakasi iyo daanyeer kale oo u istaagay sida bani’aadanka, iyagoo sawirka u galaya sida in ay yihiin labo qof oo kale.

Xilligaas, mid ka mid ah howl wadeennada xarunta waxa uu sheegay inay matalayeen ninkii soo koriyay oo ahaa qofka sida gaarka ah u qaabilsan xannaanadooda.

Labada daanyeer waxay iska dhigayeen bani'aadan markii sawirka la qaadayay

XIGASHADA SAWIRKA,RANGER MATHIEU SHAMAVU

Xiriirka ka dhaxeeyay ninka xannaanada sameynayay iyo labada daanyeer ee gorillaha ah ayaa aad u xoogeystay sannadihii ay isla joogeen, sida uu Bauma qudhiisa u sheegay BBC-da, mar uu wareysi siiyay sanadkii 2014-kii.

Waxa uu markaas xaqiijiyay in uu Ndakasi u jeclaa sida in ay tahay gabar uu isagu dhalay oo kale.

“Hal sariir ayaan ku wada seexannaa, waan la ciyaaraa, jacaylkeeda ayaan dareemaa, waana garanayaa inay dareento inaan u ahay waalid,” ayuu yiri Bauma.

Daanyeer la sawiran qof

XIGASHADA SAWIRKA,VIRUNGA NATIONAL PARK

Noocan daanyeerrada ah ayaa si dabiici ah ugu nool dalalka Uganda, Rwanda iyo Congo, balse isbaddalka cimilada, ugaarsatada sharci darrada ah iyo ficillada bani’aadanka khuseeya ayaa halis ku ah inay sii noolaadaan.

Agagaarka keynta xayawaanka ee Virunga waxaa ka dhaca dagaallo hub la isu adeegsado oo dhex mara ciidamada dowladda iyo kooxo fallaago ah. Askarta labada dhinac ayaa ugaarsada xayawaanka duur joogta ah.

Shaqaalaha xarunta xayawaanka ayaa labada daanyeer ee kala ah Ndakasi iyo Ndize ku tilmaamay saaxiibbo wanaagsan, markii ay yaraayeen

XIGASHADA SAWIRKA,VIRUNGA NATIONAL PARK

Bauma waxa uu Khmiistii sheegay in Ndakasi ay ka caawisay “inuu fahmo xiriirka ka dhaxeeya bani’aadanka iyo xayawaanka ay isu dhow yihiin”. Waxa uu dunida ka codsaday in qof walba “intii karaankiisa ah uu sameeyo si loo ilaaliyo xayawaankan”.

Waxa uu intaas ku daray, “Waxaan Ndakasi u jeclaa si la mid ah sida aan u jeclahay carruurteyda, waxaan ku jeclaa sida ay u shactiro badneyd, mar walba oo aan la hadlo way iga qoslin jirtay.”