Daawo: Dood ka dhalatay Coldoon oo u istaagi waayey calanka Somaliland iyo jawaabtii uu ka bixiyey

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye sama-fale ah oo ka howlgala gobollada waqooyi ee Somaliland ayey saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntiisu aad ugu faaftay baraha bulshada, kadib markii uu xalay u istaagi diiday astaanta calanka Somaliland.

Cabdimaalik Coldoon oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa ka jawaabay sababta uu ugu istaagi waayey heesta calanka Somaliland, markii laga yeeriyey munaasabad lagu soo bandhigayey Buug uu qoray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi.

Sawirka Cabdimaalik oo fadhiya iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadaas oo u istaagay astaanta calanka ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, waxayna dadka badankood tallaabadaas ku macneeyeen in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn calanka Somaliland.