Daawo Xanuun Baabi’ye Ah oo Dhiigga Gabar (25 jir ah) u Bedeshay Midab Buluug ah

Dhiigga gabar Mareykan ah ayaa waxa uu isku bedelay midabka buluugga kadib markii ay adeegsatay kareem xanuun baabi’iye ah oo ilka xanuun ay u isticmaashay.

Gabadhan 25 jirka ah oo ka soojeedda Rhode Island, ayaa waxaa la dhigay qeybta gurmadka degdegga ah ee isbitaalka Miriam Hospital ee ku yaalla Providence, kadib markii ay dareentay daal daran, neef qabatin iyo midabka jirkeeduna oo isbedela.

Gabadhan ayaa dhakhaatiirta u sheegtay iney hurdada ka soo toostay iyadoo ay xaaladeedu daran tahay, daal farabadanna dareemaysa, kadib markii ay isticmaashay kareem xanuun baabi’ye ah oo ilkaha loo isticmaalo.

Midabka jirkeeda iyo ciddahaya ayaa buluugga isku bedelay, waana calaamad muujineysa inaanuu jirku haysan Oxygenkii uu u baahna.

Dr Otis Warren, oo xaaladda gabadhan daaweeyay, ayaa sheegay iney gabadhani inkirtay iney wax badan ka isticmaashay kareemka heerkii loogu talogalayna ay dhaaftay, laakiin sida muuqataa ay sidaa tahay.

Baaritaannadii lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in heerka Oxygenka ee jirkeeda uu hooseeyo heer gaarsiisan 67%, waana heer sababi karta in Tissue jirka ay ku qalalaan.

Gabadhan ayaa la siiyay oo lagu daaweeyay methlyene blue oo xidiidka laga siiyay, daqiiqado kadib xaaladeedu wey soo hagaagtay oo ay ka soo reysay.

Dhakhaatiirtii daaweynaysay ayaa waxey goosteen iney isbitaalka kusii hayaan, si xaaladeeda ay u hubiyaan, markii uu waagu baryayn waxaa lagu jiheeyay dhakhatar ilko si ay ilka xanuunka iskaga daaweyso.