Daawo:Halyeey Arsenal Ah Oo Ooyay Markii Uu Daawaday Goolkii Bukayo Saka Isagoo Ciyaarta U Falanqeynayay Premier

Isbuucyo dhib badan ayay u aheyd Arsenal sidaasi darteed la yaab ma ahan sida qiirada leh ee uu u dabaaldegay halyeeygooda Ian Wright kulankii ay shalay 3-1 ku garaaceen kooxda Chelsea.

Arsenal ayaa guul lama filaan ah ka gaartay Blues iyagoo 3-1 ku xaaqay kulankii Emirates Stadium, Alexandre Lacazette, Bukayo Saka iyo Granit Xhaka ayaa seddexda gool u dhaliyay iyadoo Tammy Abraham uu goolka qura uu u saxiixay Chelsea.

Saka ayaa guusha u xaqiijiyay Arsenal isagoo dhaliyay goolka seddexaad oo xaqiijiyay guushoodii ugu horeysay ee Premier League ee todoba kulan ka dib, wuxuuna dhaliyay karoos uu ka soo qaaday garabka midig oo dulmaray goolhaye Edouard Mendy islamarkaana shabaqa gashay.

Wright oo u falanqeynayay ciyaarta Premier League TV ayaa si waali ah u dabaaldegay isagoo ka reystay labadii bilood ee murugada aheyd ee soo martay.

Halyeeyga Gunners ayaa qosol iyo qeylo isku daray markii Saka uu dhaliyay goolka seddexaad isagoo si waali ah u dabaaldegay, wuxuuna ku qeyliyay: “Waa sida inaad Brazil daawaneyso.”

Wright ayaa ugu danbeyn ooyay oohin farxad leh madaama uu arkay markii ugu horeysay muddo dheer kooxdiisa oo guul weyn gaareysa.