Daawo:Siyaasihiin caan ah oo caawa baraha bulshada soo dhigay muqaal siweyn hadal heyn dhaliyay

Ayadoo maanta dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada caafimaadka xaqiijiysay kiiskii ugu horeeyay ee korono feyris ah ayaa haatan waxa arintaas ka fal celiyay siyaasihiin caan ah.

Siyaasihiin caanka ah siyaasada Soomaaliya oo ugu horeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo waliba Kamaal gutaale kuwaasi oo soo bandhigay muqaal cusub.

Waxaan halkan ku duubaynaa fariin ku aadan ka hortaga cudurka Coronavirus ka. Nadaafada ayaa ah waxa ugu haboon ee looga hortegi karo, gaar ahaan Gacmo dhaqashada. Waxaan xujaystay qof kasta oo samayn kara #SafeHands #COVID19.

Posted by Abdirahman Abdishakur Warsame on Monday, March 16, 2020

Fariinta MW Shariif ee wacyi gelintacaabuqa Covid-19

Bismillaah!Nadaafaddu waa iimaanka barkiis walaalayaal aan ku dadaalno inaan ka qayb qaadanno wacyigelinta bulshadeenna maadaama caabuqa COVID-19 uu caalamka dhibaato xoogan ku hayo.Waa muhiim inaan raacno fariimaha caafimaadka sida in gacmaha la dhaqo markasta, salaanta gacanta oo la iska ilaaliyo IWM.Dalkeenna ilaa iyo hadda 1 ruux bey Wasaaradda Caafimaadku noo sheegtey caafimaad allaha siiyee, waxaan ilaahay ka rajeynayaa inuu umaddeena ka badbaadiyo bi’idnillah.

Posted by Sharif Sheikh Ahmed on Monday, March 16, 2020

Waxaan ka qeyb galayaa xujeysiga Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee ah Gacma dhaqashada nadaafadda ku saleysan si looga hortago cudurka Corona Virus!Waxaan halkaan ka xujeysanayaa Wasiirka Waxbarashada Abdullahi Godax Barre si ilmaha dugsiyada dhigta ay u bartaan Gacma dhaqashada ku saleysan nadaafadda!!#CounterCovid19 #SafeHandsChallange

Posted by Kamal Gutale Page on Monday, March 16, 2020