Dad Shacab Ah oo Lagu Dilay G/Shabeelaha Dhexe Iyo Faah Faahino Kasoobaxaya

Wararka ka imaanaya Tuulo lagu Magacaabo Gumarey  hoostagta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi lagu rasaaseeyey Dad shacab, islamarkaasina rasaastaasi uu ka dhashay khasaare iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo wata Gadiid Dagaal ayaa la sheegay in ay rasaaseeyeen Dhalinyaro ku sugnaa goob lagu shaaho.

Dadka Degaanka ayaa Wakaalada Wararka Badweyntimes u sheegay in rasaastaas ay ku dhinteen labo dhalinyaro ah halka Seddax kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada muqdisho.

Waxgaradka Degaanka ayaa Ku eedeeyey weerarkaasi in ay ka dambeeyeen Ciidamo ka amar qaata Guddomiyaha Gobolka Shabellada Dhaxe.