DEG DEG: Ciidan ka amar qaata Yaasiin Fareey oo xirtay Agagaarka Daljirka Dahsoon

Ciidamo iska soo horjeeda oo wata gaadiid dagaal ayaa lagu arkay meel ku dhaw Habar khadiijo oo ah saldhiga ugu weyn Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya oo ku taalla Muqdisho.

Baabuurta loo yaqaano beebeeyaasha ayaa soo buux dhaafiyey xarunta checkpoint ga aadka loo ilaaliyo ee NISA ee ku taala inta u dhaxaysa Daljirka Dahsoon iyo God ka Jilicoow.

Dad lagu kalsoon yahay oo soo maray halkaas waxay sheegeen in  Ciidamada NISA ee horay u joogay barta koontarool ee Daljirka Dahsoon la badelay badankood.

Waxay sheegeen ciidanka wata Beebeeyaal lasoo kor dajiyay, kuwaas oo ka amar qaata Gaashaanle sare Yaasiin C/llaahi Maxamed Fareey oo Madaxwayne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka amar qaata.

Baqdin wayn ayaa ka jirta bartaasi koontarool, iyada oo ciidanka ay sameenayaan feejignaan badan si ay uga hortegaan ciidan ka yimaada dhinaca Xukuumada oo doonaya inay Sareeye Guud Bashiir Goobe geeyaan Xarunta NISA.