DEG DEG: Duqeyn diyaaradeed & Dagaal hadda ka socda Gobolka Mudug

Dagaal iyo duqeyn is barbar socda ayaa laga soo sheegayaa inay ka socoto duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay weerar ku ekeeyeen goobo ay ku sugnaayee xubno katirsan Al-shabaab.

Al Shabaabka la beegsaday ayaa la tilmaamay inay ahaayeen kuwo hore looga saaray deegaanada dhaca Bariga gobolka Mudug.

Saraakiisha howlgalka Hogaamineysa oo la hadlay warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in ujeedku yahay in la cirib tiro dagaalyahaanada Al Shabaab.

Dhowr gantaal oo ay tuureen diyaaradaha dagaalka ayaa ku dhacay saldhigyo loo maleenayo inay xubno katirsan Al Shabaab kusugnaayeen.

Weli lama oga khasaaraha inta uu la eg yahay waana weerarkii seddexaad oo bil gudaheed Gobolka Mudug duqeyn cirka ah laga fuliyo.