DEG DEG: Golaha Shacabka oo ansixiyay Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen  kulanka 6-aad Kalfadhiga 8-aad Golaha , iyaga oo la horgeeyay Guddiyada Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga  la dagaalanka musuq maasuqa..

Kulanka oo uu shir guddoominayay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa  Wasiirka  Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac  waxaa uu Golaha Shacabka u gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga  la dagaalanka musuq maasuqa.

Intaasi, kaddib Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Cod Aqliyabad leh ku ansixiyey Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, iyada oo  Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac  uu Ansixinta kadib u Mahad celiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga  la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxaa horay u meelmariyay Golihii wasiiradii xil-gaarsiinta, iyadad oo mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay sharci darro ku tilmaameen.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021.