DEG DEG: Madaxda oo isfaham ka gaartay mid kamid ah Qodobada ugu waa weynaa ee shirka

Waxaa lagu soo waramayaa in horumar laga gaaray shirka maanta u socda madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo ka dhacaya Teendhada Afisiyooni.

Shirka oo dib uga furmay Afisyooni, ayaa wararka hordhaca ah waxa ay tibaaxayaan in shirka maanta la filaayo in uu ka soo baxo go’aan ama nateejo.

Ilo ku dhow shirka, ayaa sheegay in la iskaga soo dhawaada dhanka ballaarinta ka qaybgalka shirka.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu isla qaateen in shirka ay qayb ka noqdaan Midowga Musharixiinta, gudoomiyaasha labada aqal iyo bulshada rayadka.

Waxaana mas’uuliyiintan kala duwan ka qeyb galkooda uu yeelan doona saameyn weyn iyadoo ay suuragal tahay in dhinacyada ay isla falanqeeyaan ka gudubista caqadaha ku xeeran doorashada.

Markii hore Villa Soomaaliya ayaa diidaneyd in shirka ay ka soo qey  galaan saamileyda siyaasadeed ee dalka iyada oo ka cabsi qabtay iney saameyn ku yeeshaan.

Waxaa muuqata in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu xoogaa soo dabcay kadib cadaadis xoog leh oo dhinacyo kala duwan ay saareen maadama uusan dooneyn inuu qabto doorasho daahfuran.

Sidoo kale waxaa la filayaa in la saxiixo heshiiyadii 17-kii September iyo soo jeedintii guddiyadii ku kulmay magaalada Baydhabo.