DEG DEG: MD-Kuxigeenka Puntland oo Amar Culus Duldhigay Nin Lanool HIV-Aids

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, mudane Axmed Karaash, ayaa amray in aan weligii xilka laga qaadin Gaashaanle Bashiir Cismaan Cawad oo la nool caabuqa HIV-AIDS.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo jeediyey in laga war hayo isaga iyo qoyskiisaba xag caafimaad iyo miisaaniyadeedba.

Karaash ayaa dorraad dalacsiiyey Gaashaanle Bashiir oo ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe, isla markaasna wacyigeliya dadka.

Hadalkaan ayaa Kusoo aadaya maalmo Kahor Markii Ladalacsiiyay Taliye Bashiir.