DEG DEG: Midowga murashaxiinta oo ku dhawaaqay xaalad cusub kadib markii..

Golaha midowga Murashaxiinta soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen maanta Muqdisho waxay kaga hadleen xaalada doorashada golaha shacabka.

Waxay ka digeen boob ay sheegeen in lagu sameynayo golaha shacabka kuraastooda kana digeen halista ka dhalan karta.

Shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa Shariif Sheekh Axmed,shariif xasan sheekh aadan,C/raxmaan c/shakuur,Ridwaan xersi maxamed,xasan sheekh maxamuud & xubno kale.

Afhayeenka golaha midowga murashaxiinta daahir maxamuud geelle ayaa saxaafada usheegay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan shir looga hadlayo xaalada dalka qeybaha kala duwan ee bulshadana ay la kulmi doonaan si looga bad baadiyo dalka in la bad baadiyo.

Hadalka murashaxiinta kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xilli ay jireen saacadihii lasoo dhaafay in doorashada villa soomaaliya ay boob ku sameneysay oo xubno iyada ay wadatay lasoo saaray.