DEG DEG: Toogasho Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda fedraalka Soomaliya in ay goor dhow ku dileen magaalada Muqdisho xili uu ku sugnaa Bar lagu hubiyo Gaadiidka.

Isgooyska Afarta Jardiino ayaa kooxo hubaysan waxa ay ku toogteen Askari ku sugnaa bar koontorool oo halkaas ku taalla,waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa haatan ku sugan goobta kana qaaday meydka askarigii la dilay,Inta badan magalada waxaa ka dhacay dilalka noocan oo kala ah.