DEG DEG:- WERIYE DEEQO MOHAMED CIYOW OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL

Weriye Deeqo Mohamed ciyow oo kamid ah weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho gaar ahaan idaacada risaala & sidoo kale radio star fm  ayaa ka badbaaday weerar ay koox hubaysan ku qaadeen gurigeeda oo ku yaala degmada Wadajir

Werarka lagu so qaaday gurigeeda xilli ay ka maqaneed kadibna waxaa xigay rasaas lagu ganay albaabka hore ee gurika Sida ay inoo xaqiijisay Deeqo werarkaasi ayaa dhacay dhamaadka sanadkii 2020 oo xiligasi oo ku dhintay walalkeeda oo lagu magacaabo Abdi maxamed ciyow ayadana ay ka maqaneed gurika

Weriye Deeqo oo kamid ah weriyayaasha dumarka ah ee sameeya barnaamijyada arrimaha bulshada gaar ahaan la dagaalanka gudniinka fircooniga & wacyigelinta dhalinyarada ee ah inay ka feejignaadaan ku biirista kooxaha argagixisada ee Alshabaab ayaa bartilmaameed u noqotay xirfadeeda darteed.

Kooxda falka gaysatay ayaa la soo wariyay inay markiiba goobta ka baxsadeen . Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray iyagoo balan qaaday inay degdeg u baarayaan dhacdadaan lagu bartilmaamedsaday guriga gabadhan weriyaha ah & sidaa werarka u dhacay

Wariye Deeqa ayaa markaasi wixii ka danbeeyay waxaa ay bilaawday sidii dalka ay iskaaga tagi laheed madaama ay so gareen fariimo hanjabaad ah oo kaaga imanayay kooxda alshabab taasi oo qasabtay in ay joojiso howshii wariya nimada

Wariyaasha soomaaliyed ayaa inta badan la kulma dhibaatoyin xoogan oo kaaga imaada kooxaha alshabab iyo daciish ee ka dagaala Somalia……