DEG DEG:- WERIYE IKRAAN CALI XAASHI OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL .

Weriye Ikraan Cali Xaashi oo kamid ah weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho gaar ahaan idaacada & Telefishinka Dalsan Tv ayaa ka badbaaday weerar ay koox hubaysan ku qaadeen gurigeeda oo ku yaala degmada Warta-nabada .

Labo bamb oo ah nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray gurigeeda xilli ay ku sugnayd kadibna waxaa xigay rasaas lagu ganay daaqadeeda . Sida ay inoo xaqiijisay Ikraan oo nala hadashay ma soo gaarin wax waxyeelo ah hase yeeshee waxay sheektay in ay dareemayso qatar weyn oo nafteeda & tan wiilkeeda yar .

Weriye Ikraan oo kamid ah weriyayaasha dumarka ah ee sameeya barnaamijyada arrimaha bulshada gaar ahaan la dagaalanka gudniinka fircooniga & wacyigelinta dhalinyarada ee ah inay ka feejignaadaan ku biirista kooxaha argagixisada ee Alshabaab ayaa bartilmaameed u noqotay xirfadeeda darteed.

Kooxda falka gaysatay ayaa la soo wariyay inay markiiba goobta ka baxsadeen . Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray iyagoo balan qaaday inay degdeg u baarayaan dhacdadan lagu bartilmaamedsaday guriga gabadhan weriyaha ah .

Ikraan Cali Xaashi oo hore dalka uga carartay iyada & saygeeda Weriye Munasar Maxamed Cabdi kadib markii saamayn wayn ay ku yeelatay qoyskooda warbixin uu diyaariyay weriye Munasar Maxamed oo ku saabsanayd nin ka soo jeeda beelaha la hayb sooco oo isagoo nool nolosha lagu gubay markii uu guursaday gabar ka soo jeeda beelaha waawayn .

Muddo sanad ah oo ay Ikraan ka maqnayd dalka ayay dib ugu soo noqotay waxayna dib uga howl bilowday warbaahintii ay hore uga tirsanayd iyada & Zaygeeda ee dalsan TV ,

waxayna dib u bilowday barnaamijyadeedii dadku aadka u jeclaayeen ee arimaha bulshada & wacyigelinta hase yeeshe markale waxay weriye Ikraan halis ka soo wajahaysaa Alshabaab & qabiilkii sababta u noqday in ninkeedu dalka iskaga cararo .