Dembigii mooska ka bilowday ee ku dhammaaday $1,628 oo ganaax ah

Mark D’arcy-Smith iyo saaxiibkii waxay ku sugnaayeen maqaayad ay wax ka cabayeen, ayna ku sheekeysanayeen.

Balse qof kale oo ka mid ahaa macaamiisha oo adeegsaday App-ka maqaayadda ayaa muus dalbaday wuxuuna ku qoray miiskii ay fadhiyeen Mark iyo saaxiibkii.

Wuxuu Mark la hadlay barnaamijka BBC ee Radio 1 Newsbeat, wuxuuna ka sheekeeyay sida uu ugu faraxsan yahay in hadda qofkaas macaamiisha ka mid ahaa la xukumay ka dib markii lagu helay cunsuriyad iyo dembi wax dalbasho qaldan ah.

Mark, waa madow 25 sano jir ah, wuxuu sheegay in qof ka mid ah shaqaalaha maqaayaddaas uu markii hore kula taliyay in dacwaddiisa uu u gudbiyo maamulaha.

Mooska oo UK qiimo ahaan ka ah 30p, ama illaa nus doollar, ayaa loo dalbay si qarsoodi ah. Booliska waxay sheegeen in soo qabashada dembiilaha ay “ku qaadatay baaritaan adag”.

Louie Kincella, oo 20 sano jir ah, ayaa isbuucan lagu helay dembigaas waxaana lagu xukumay in £1280 ($1,628) oo isugu jira ganaax iyo qarashkii maxkamadda ku baxay.

“Walwal ayey igu haysay sannadkii la soo dhaafay in baaritaanka kiiska uusan qaadanin degdeggii aniga aan filayay,” ayuu yiri Mark.

“Maxkamadda waxaa ii raacay aabahey, waxaanna labadeenaba dareennay in culeys wayn uu naga degay.

“Waxay ahayd markii ugu horeysay oo si fiican aan u hurday, muddo ka dib”.

Xilligii dhageysiga maxkamadda waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu arkay Kincella – mana ahayn wixii uu filayay.

“La yaab ayey igu noqotay maadaama aan ka fikirayay sida uu u ekaan karay qofkaas.

“Qof aad u da’ yar ayuu ahaa, taasna waxay igu noqotay fajac.”

banana
Qoraalka sawirka,Halka xabo ee mooska ah waxaa loo diray miiskii uu fadhiyay Mr D’arcy-Smith.

Mark wuxuu sheegayaa in uusan eedeyneyn hannaanka iyo qalabka maqaayadda oo mooska keentay miiskiisa, balse wuxuu tilmaamay in uu “filayay in ay noqdaan kuwo si wayn u taageera arrintiisa”.

“Waan aqbali karaa in qof kale uusan garan karin marka waxyaabo qaar aysan sax u muuqanin.

“Waxay taas ahayd mid deggan. Waan fahmi karaan in aysan iyaga dareemin.”

Afhayeen u hadlay maqaayadda A Wetherspoon wuxuu sheegay in maamulaha uu la kulmay Mark D’arcy-Smith “si uu u raaligeliyo, shirkaddana ay hadda sidaas markale sameyn doonto.”

Mark wuxuu sheegay in booliska ay dhacdadan la wareegeen bishii Nofember ee 2019.

“Markii ugu horreysay ee aan booliska la hadlay, waxay doonayeen in arrinta ay si dhab ah ay u qaataan, sideyda oo kale.

“Markii ay billaabeen howlgalka, way igu soo wargeliyeen in weli ay wadaan baaritaanka.”

Mark D'arcy-Smith

Mark wuxuu ka shaqeeyaa Cilmi-baarista la xiriirta macaamiisha, wuxuuna hadda doonayaa in uu diiradda saaro shaqadiisii ka habsaantay.

Kincella ayaa sidoo kale laga mamnuucay in tago ama wax ka dalbado maqaayaddaas uu dembiga ku dhex geystay.