Deni: “Dal kala maqan kama dhici karto Doorasho Qof & Cod ah”.

Madaxwenaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad saacad ka badan uu uga hadlay xaaladda dalka ka jeediyay Magaalada Garoowe ayaa soo hada qaaday dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Doorashooyinka, Taageerada Dalalka & arrimo kale.

Deni ayaa mar uu ka hadlay arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan Qof & Cod waxa uu sheegay in muhiimadda koowaad ay tahay in la helo Amni & wadajir, haddii la waayana aysan qabsoomi karin doorashadaas sida uu hadalka u dhigay.

“Doorasho qof & cod ah waxaa sal u ah midnimo, wadajir & Amni, waxaa nasiib darro ah in dal kala maqan la dhaho waxaa ka dhaceyso Doorasho dadweyne waana aragtida aan ku diidnay in iyada oo aan la buuxin shuruudaha la dhaho waxaan qabaneynaa Doorasho qof & cod ah” Sidaasi waxaa yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha DG Puntland ayaa soo hadal qaaday sababta loo doortay heshiiska 17-kii September 2020 oo dalka dib ugu celiyay Doorasho dadban oo lagu soo doortay Dowladda Muddo xileedkeedu dhammaaday 8-dii Febaraayo 2021.

Waxa uu sheegay in ay huri waayeen, maadaama aysan u muuqan qabsoomidda Doorasho Dadweyne oo ah hadalka loo doortay in ay ka shaqeyso Dowladda Federaalka balse shuruudihii lagu qaban lahaa aysan fulin.

Hirgelinta Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020 oo maanta laga joogo 158-Cishe (5-Bilood) weli laguma dhaqaaqin fulinta, waxaana caqabadda hortaagan isku tuur-tuuraya Madaxda Federaalka & D/Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.