DFS oo shaacisay xilliga xariga laga jarayo dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye.

Xukuumadda Frederaalka ah ee Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixisay xilliga rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda uu waqti hore soo bilaawday.

Wasiirka Howlaha guud & Guryeynta ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Soomaali ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababo amni darteed uu dib ugu dhacay.

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta dowladda ayaa sheegay in dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Ugu dambeyn Wasiirka Howlaha guud & Guryeynta ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Soomaali ayaa sheegay in markii la dhameystiro ay kasoo bixi doonto waddo muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho & Afgooye.

Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & Afgooye oo dhowr sano uu socdo dhismaheeda ayaa waxaa ka dhacay qaraxy qaarkood ismiidaamin ahaa, kuwaas oo lagu dilay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.