DG Puntland oo Duullimaadyada Caalamiga ah u fasaxday Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Wasiirka Duullista Hawada & Garoomada DG Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa ku dhawaaqay in Duullimaadyada Caalamiga ah kasoo degi karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wasiir Ilyaas waxa uu sheegay in wixii maanta ka dambeeya duullimaadyada Caalamiga ah ay kasoo degi karaan kana dhoofi karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo ballaarin iyo dib u dhis lagu sameeyay.

“Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland” Sidaasi waxaa yiri Ilyaas Lugatoor Wasiirka Duullista Hawada & Garoomada DG Puntland.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayo helista dhaqaale inta badan kasoo xarooda Dekedda iyo Garoomadaha Diyaaradaha Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.