DHAGEYSO: Gudoonka Aqalka Sare Oo Hambalyo Udiray Baarlamaanka Cusub Jubbaland

Gudoomiyha Golaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa Hambalyo iyo bogaadin udiray Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Jubbaland.

Cabdi Xaashi ayaa urajeeyey inay xilkooda ugutaan si hufan islamarkaana ay dadka iyo deegaankoodaba ushaqeeyaan kuna shaqeeyaan Dastuurka Maamulka udegsan.

Fariintaan ayaa waxa loo dhiibay oo Xildhibaanada Cusub ka hor sheegay maanta Senetor Iftin Xasan Baasto Oo Ka mid ah Aqalka sare lagana soo doorto Deegaan ahaan Jubbaland.

Senetor Iftin Baasto waxa uu muddooyinkii dambe kusugnaa Kismaayo isagoo sheegay inuu Fariintaan hambalyada ah Gudoomiye Xaashi lasoo wadaagay Baaralmaanka Cusub Ee Jubbaland Ee Xalay lagu dhawaaqay.