DHAGEYSO: HirShabelle Oo Dacwad Ka Gudbisey Itoobiya & Jawaabta James Swan

Kadib kulankii maanta ka dhacay Jowhar waxyaabihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa Dacwad ay HirShabelle ka gudbisey Dawlada Itoobiya.

Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu ka hadlay baahida ay qabaan sidii loola gor gortami lahaa dawlada Itoobiya.

Waare ayaa saxaafada ka hor sheegay in qodobkaasi uu ahaa mid ay muhiimad u arkayeen ayna la wadaageen Danjire James Swan.

Dhowr mar ayaa Itoobiya ay xiratay Webiga Shabelle,maadaama Labada Gobol Ee Sh/Dhexe iyo Hiiraan uu maro Webiga.