DHAGEYSO: Ka hortega mar kale bad baado qaran oo qorshahiisa la dejiyey

Saraakiil ciidan ayaa maanta waxay kormeer ku tegeen goobo kala duwan oo ku yaalla gobolka shabellaha dhexe iyadoo ciidamada AMISOM ay galbinayeen Saraakiishaasi.

Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga Soomaaliya General Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta kormeer ugu tegay fadhiisimaha ciidamada ee degmada Balcad & deegaanada hoostaga.

Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ay ciidanku sameeyeen.

General Biixi ayaa ciidanka kula dar daarmay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,isagoo doorashada iyo amnigeeda ugu baaqay inay ciidanka ka shaqeeyaan,askartana uga digay in siyaasada ku milmaan.

Socdaalka Biixi ayaa loo fasiran karay ka hortega mar kale inay muqdisho kusoo laabtaan ciidankii la baxay bad baado Qaran iyadoo saraakiisha la faray in howsha dagaalka Al Shabaab lasii xoojiyo.

Madaxweyne farmaajo ayaa taliye biixi amray inuu ka hortego wax kasta oo keeni kara carqaladeyn ama ciidankii badbaado qaran hadii ay isku dayaan inay soo galaan Muqdisho si ay uhagar daameeyaan Dawlada Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GENERAL BIIXI