DHAGEYSO: Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo oo xog badan kabixiyay shirka kasocda Muqdisho iyo waxyaabaha…

Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo dhinaca Diinta Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo maanta ka hadlayey kulan culimada ku yeesheen Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada dalka uu hadda wajahayo.

Sheekha ayaa wax lagu farxo ka rajeeyey shirka Muqdisho uga socdo Madaxda Soomaalida oo maalintii 3aad galay.

Waxa uu soo dhaweeyey shirarkii ka dhacay dhuuso mareeb 1,2 iyo 3 iyadoo Xaalada siyaasada dalka looga hadlayey.

Sheekh Cali wajiis ayaa ugu baaqay shirka Villa Somalia uga socda madaxda Soomaalida inay dalka wax dan u ah kasoo saaraan.