DHAGEYSO: Mas’uuliyiin DF katirsan oo afgalaado isku weydaarsaday shir ka dhacay Muqdisho

Shirkaan oo ah mid lagu doonayo wada shaqeyn dhaw oo dhexmarto Garsoorka,Booliska iyo hirgalinta go’aanada ka soo baxa maxkamadaha ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoon ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka iyadoo ay ka qeyb galeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Taliyaha ciidanka Booliska & saraakiil kale.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa shirka sheegay in caqabadaha jira hay’ad walbo dhankeeda ay xaliso.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dalka garyaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in sida ay tahay loo fuliyo Awaamiirta Garsoorayaasha ay soo saaraan.

Shirkaan ayaa waxa uu dibada usoo saaray wada shaqeyn la’aanta ka dhex jirta hay’adaha amniga iyo garsoorayaasha maxkamada balse gudoonka Maxkamada Sare ayaa sheegay in deg deg loo xalin doono go’aana laga soo saarayo arintaasi.