DHAGEYSO: Maxaa Laga Xasuustaa Duqa Cusub Ee Muqdisho Cumar Finish

Siyaasiga Cumar finish Oo Duqa Muqdisho Galabta loo magacaabay waxay durba dadku xasuusanayaan waayihiisii Siyaasadeed Ee Muqdisho.

Xildhibaan Katirsanaa Dawladii Kumeel gaarka aheyd ayuu soo noqday cumar finish isagoo ka mid ahaa Ururkii La dagaalanka Argagaxisada Ee Mareykanka uu taageeri jiray ka hor Maxaakimtii Islaamka.

Waxa uu in muddo ah ahaa Howlgab Siyaasadeed oo aan Xil ka heyn Dalka,inkastoo ugu dambeyn Xil Culus loo igmaday galabta oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.