DHAGEYSO: Soomaaliya Oo Cadeymo Ku Heysa Kenya Dagaalkii B/xaawo

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka sheegay Gobolka Gedo markii ay maanta tegeen inay hayaan Cadeymaha Kenya ka qeyb gashay dagaalkii Beled xaawo.

Waxa uu la tiiraanyooday Wasiirku Ehelka dadkii ku le’day dagaalkii Todobaadkaan ka dhacay Degmada Bedled Xaawo.

Wafdi Xukuumada ka socday oo maanta tegay Dooloow iyo Beled xaawo ayuu Wasiir Dubbe ka mid ahaa isagoo cod dheer ku sheegay in dadka ku dhaleeceeyey dawlada inay yimaadaan Beled xaawo si ay u arkaan waxyeelada Kenya ugeystay Shacabka.

Wasiirka ayaa ku celiyey inaysan Soomaaliya duulaan aheyn balse ay iska difaaci doonto cid walbo oo kusoo gar daroota dhulkeeda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WASIIR DUBBE