DHAGEYSO: Xildhibaan Maareeye “Roobloow dhiiqaa lugaha laguu gelinayaa ee iska ilaali”

Shir maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada Wuqooyi garabka Cabdi Xaashi taageersan ayey ka hadleen Xaalada doorashada.

Waxay sheegeen Xildhibaanada iyo xubnaha shiray inay kasoo horjeedaan xaqooda ay duudsiiyaan dad dano gaar ah leh.

Maareeye ayaa digniin udiray R/wasaare Rooble isagoo sheegay in tani ay muhiimad gaar ah leedahay oo aan lagu kadsoomin.