DHAGEYSO:Gud Cali Fiqi oo ka jawaabay su’aal ay dad badani is weydiinayeen oo kusaabsan danta N&N

Cali Saciid Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka jawaabay su’aal ay dad badani is weydiinayeen, ka hor iyo ka dib-ba xilkaasi.

Midda dadka u cuntami weyday, aadna ay wax isaga weydiinayeen ayaa ahayd, isagoo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dibna loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, xilli uu horey u ahaa Danjiraha Somaliya ee Midowga Yurub. Inta uu xilkaasi iska celisay ayuuna wax ka dayay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada.

Dr Cali Siciid Fiqi oo dhowaan loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyay madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Muhyadin A. Roble. Aragtidaada ka dhiibo.

Posted by BBC News Somali on Wednesday, April 8, 2020

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay sababta uu xilkan u qabtay, xilli uu ahaa diblomaasi sare ayaa sheegay in diblomaasiyadda ka horba uu ahaa nin saynisyahan ah.

“Horta intaan diblomaasiyadda aan qaban, waxaa ka horeysay inaan ahaa qof saynisyahan ah, cilmi baare ah, taa nafteeda waan ka soo tagay. Wadankii Soomaaliyeed oo aan aniga ka dhashay in intaan taakulayn karo, taakuleeyo, hadana waxaan gartay inay muhiim tahay in wadanka gudahiisa wax laga qabto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray “Waxaad ogaataa wadankan waa federaal, Maamul Goboleedyada haddaan la dhisin dowlad federaal oo adag ma jireyso.”

Hase ahaatee Badweyn.com ayaa fahamsan in Madaxda Dowladda Federaalka, ay ninkaasi ka dhaadhiciyeen in uu isaga soo taggo Xarunta Ururka Midowga Yurub ee Brussels, ka mid noqdo Baarlamaanka Koonfur Galbeed, isuna sharaxo kursuga 1aad ee Guddoonka Baarlamaanka, si ugu dambeen uu ugu fariisto.

Mar Cali Saciid Fiqi ay BBC wax ka weydiisay in Dowladda Federaalka ay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii uu xilkan ku qaban lahaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Horta meeshaan qarash ku baxay maleh, doorashadan waa doorashada keliya ee buuq ka dhicin, doorashooyinkii ugu dambeeyay, waxa la sheegaayana aysan jirin.”

Dhanka kale waxaa uu qiray in uu ka tirsan yahay Xisbiga Nabad & Nolol ee talada dalka haya, balse in uu xilkan qabto ayuu sababteeda dusha u saariyay inuu lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

“Nabad & Nolol run waaye waan ka tirsanahay, oo dowladdii baan ahay, laakiin meeshaan aan imid sababteeda waxaa iska lahaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.” Ayuu yiri Fiqi.