Dhageyso:Puntland oo ka shirtey la-dagaalanka Ayaxa & Amniga Dagaalka alshabab

Shirka Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta kualnkoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe,waxaana shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka ayaa todobaadkaan waxaa diirada lagu saarey arrimo ay kamid ahaayeen Amniga, La-dagaalanka Ayaxa,Daah-furka ururka xirfadlayaasha caafimaadka, Xuska halgankii daraawiishta iyo soo bandhigidda Istaraatiijiyadda wacyi-gelinta iyo arimo kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska dowladda Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey ayaa Warbaahinta u faah faahiyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay Shirkii Maanta.