Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo gabo gabo maraya (Daawo Sawirada)

Waxaaa meel gaban gaba ah maraya howlaha lagu soo xulayo xubanaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu wado in ay dhawaan doortaan Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.

Si loo helo gole deegaan oo wax ka badali kara Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta tababar loo furay ergooyinka soo dooranaya xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo  ay soo xuleen beelaha Gobolka Mudug.

Tababarkaan la siinayo Ergada ayaawaxaa soo qaban qaabisey Hay, ada CRD oo door weyn ku laheyd dhismaha Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo, waxa ayna Hay’adda ugu tala gashay in Ergada la fahansiiyo sida ay usoo dooran lahaayeen golle waxtar leh.

Maxamed Cali Xirsi oo ah Gudoomiyaha guddiga qaban qabada doorashada Gollaha deegaanka Gaalkacyo ayaa sheegay in howshii ugu cusleed hada la soo gaba gabeeyay ayna rajo ka qabaan in dhawaan doorashada gollaha deegaanka dhacdo.

Cabdi Shiiq Doon Nageeye oo ku hadlayey Magaca hay, ada CRD ayaa tilmaamay in ergooyinka goob jooga ah ay maanta gacantooda uu ku jiro masiirka Degmada Gaalkacyo lagana doonayo in ay soo doortaan Golle deegaan oo waxtar leh si iyana usoo doortaan Gudoomiye iyo kuxigeenadiisa..

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan ayaa ugu dambeyntii sheegay in ergooyinka laga rabo iney soo xulaan dad aqoon leh, waxa uuna ku booriyay in ay ka fekeraan mustaqblka dadka iyo magaalada soona xulaan dad wax gal ah.

Gollaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa in dhawaan lasoo doorto, waxa ayna gollaha dhankooda iyana soo dooran doonaan Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo iyo kuxigeenadiisa.