Diblumaasi: Masar waxa ay ka shaqeyneysaa Xasilooni darrada Itoobiya & Bariga Afrika!

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency oo soo xigatay Diblumaasi Itoobiyaan ah oo aysan sheegin magaciisa ayaa daabacday in Itoobiya ay ku eedeyneyso dhiggeeda Masar ku howlan tahay xasilooni darrada Soomaaliya.

Anadolu ayaa sheegtay in diblumaasiga la hadlay oo xil sare ka hayo Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya uu Xukuumadda Qaahira ku dhaliilay in sanadihii ugu dambeeyay isku dayeysay in ay gacansaar la yeelato dhiggeeda Muqdisho.

Diblumaasiga warbixinta siiyay Wakalaadda Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Jamhuuriyadda carabta Masar ay go’aansatay in ay kasii darto xaaladda Soomaaliya kadib markii ay ku gacan-seyrtay in ay taageero muuqda ka hesho dhiggeeda Muqdisho.

Ninkaan Magaciisa ay qarisay Anadolu ayaa yiri “Masar waxa ay dedaal xooggan gelisay qalalaase ka dhana h Itoobiya & Geeska Afrika, waxa ay si buuxda u taageereysaa sidii ay uga shaqeyn lahayn xasilooni darrada dalka deriska nala ah”.

Ilaa haatan kama aysan hadlin Jamhuuriyadda Carabta Masar eedeynta Diblumaasiga ka shaqeeya Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ee magaciisa ka gaabsaday uu ku eedeeyay in ay ku howlan tahay ka shaqeynta qalalaasaha Soomaaliya, sidoo DFS dhankeeda kama aysan warcelin.

Xiisadda Itoobiya & Masar ayaa salka ku heysa muranka ka taagan isticmaalka & ka faaiideysiga Biyaha Wabiga Nile, labada dhinac ayaa adeegsanaya qorshooyin dabka uu dhanba dhanka kale ugu shido dalalka uu u arko in uu xulufeysan karo.

Bishii Maarso 2020, Soomaaliya waxa ay qaadatay go’aan dhexdhexaad ah isla markaana aysan jirin dhinac ay la safan tahay Xukuumadaha Qaahira & Addis Ababa, waxaana ay ku baaqday in xal rasmi ah labada dhinac ka gaaraan waxyaabaha khilaafkooda uu salka ku hayo.

23-kii June 2020, Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka aamustay cod dalalka Carabta ay ku garab istaageen Jamhuuriyadda Carabta Masar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa go’aankaas ku difaacay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo labadaan Dowladood.

“Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara” Sidaasi waxaa yiri Axmed Ciise Cawad Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkaan jeediyay 23-kii June 2020.