Dilal qorshaysan oo ka dhan ah laba qof oo ka dhacay magaalada Hargaysa

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo shacabka.

48-saac ee u dambeeyay ayaa waxa isbitaalka Hargeysa la keenay labo ruux oo meyd ah, sida ay sheegen qaar kamid ah shaqaalaha isbitaalku, labadan ruux ayaa loo dilay qaab qorsheysan.

Labadan ruux ee meydka ahaa ee isbitaalka la geeyay ayaa midkood waxa laga soo saaray ceel-biyood ku yaala koonfurta Hargeysa, halka ruuxa kalena lagu dilay guri ku yaala Xaafada Ibraahin kood-buur oo meydkiisa laga soo qaaday, kuwaasi oo ay qoysaskoodu noo sheegen in lagu dilay shirqool.

Waxa sidoo kale dhowaan isla magaalada hargeysa gudaheeda lagu khaarijiyey Nin ka howl-gali jirey shirkada korontada ee Sompower.

Muddooyinkii u dambeeyaya ayaa waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland kusoo badanayey dilalka qorsheysan, kuwaasi oo inta badan lagu bartilmaamsado dad shacab ah iyo weliba shaqaale ka howl-gala shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dilalkaas qaar kamida usoo qab-qabtay dad lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyen, sida ayaa xaqiijiyen qaar kamida laamaha amnigu, inkasta oo ay weli warbixin rasmiya aysan bulshada la wadaagin.