Diyaarad caan ah oo arin yaab leh deg deg ugu caga dhigatay garoon Mareekanka kuyaalo

Diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee United Airlines oo isaga goosheysay magaalooyinka Washington DC iyo San Fransisco ayaa si degdeg Colarado u caga dhigatay kaddib, marki mid ka mid ah rakaabki oo suuliga xaaja u galay uu albaabka suuligi ku xirmay.

Diyaaradda oo duullimaadkeedi caadiga ku gudajirta oo hawada mareyso ayaa lagu amray dagitaan aan horay u qorsheyneen oo degdeg ah iney ugu degto garoonka caalamiga ah ee Denver.

“Albaabka Suuliga uu qofka rakaabka ah ku jiray ayaa furmi waayey, xilli ay diyaaradda haawada ku jirtay” ayuu yiri Afhayeenka shirkadda United Airlines oo BBc u warramay.

Rakaabka uu suuliga ku xirmay oo ah haweeney ayaa suuliga laga soo saaray marki ay diyaaradda garoonka Denver soo caga dhigatay kaddib.

Muuqaalka laga duubay farsama yaqaan la xarbinayo inuu albaabka furo ayaa bogga Tweetarka ay rakaabka ku leeyihiin lagula wadaagay.

“Waxaan ku howlannahay inaan albaabka furno oo aan kaa soo saarno, hooya noo dulqaado mar dhaw ayaan kaa soo saareynaa” ayuu yiri mid ka mid ah xirfadlayaashi muuqaalka ku jiray.

Diyaaradda oo ka soo kicitintay Washington DC oo ku socotay San Fransisco waxay caga dhigatay Colarado

Qofka rakaabka ee uu albaabka Suuliga ku xirmay oo lagu magacaabo Jennifer Gettman, waxay KPIX -TV u sheegtay iyada oo wanaagsan in suuliga laga soo saaray.

“Dadku wey sacabbiyeen marki haweeneyda albaabka suuliga laga furay oo ay ka soo baxday, dad badan waxay aaminsanaayeen iney xaalad adag la kulantay.”

Ms Gettman waxay sheegtay “Ma garanayo waxa ay sameysay iyo waxa ay la kulantay marka ay diyaaradda soo caga dhiganeysay iyada oo weliga suuliga ku jirta, balse waxaan arkaa iney wanaagsan tahay.”

Xirfadle albaabka suuliga la xarbinayo si uu u furo albaabka suuliga ay haweeneyda rakaabka ah ku jirtoLahaanshaha sawirka@TAYLORKKIMBER
Image captionXirfadle albaabka suuliga la xarbinayo si uu u furo albaabka suuliga ay haweeneyda rakaabka ah ku jirto

Rakaabka diyaaradduna waxay sheegeen iney haweeneyda suuliga uu ku xirmay ay suuliga ku xayirneyd ku dhawaad saacad. “Buris/Dubbo lagu jabiyo suuliga diyaariya” ayuu mid ka mid ah rakaabka uu ku qoray boggiisa Tweetarka.

Diyaaradda oo la filayey iney San Fransisco caga dhigato 20:38 waxay Denver ku dagtay saacaddu markay ahayd 19:21.

Laba saacadood kaddib ayey diyaaraddu safarkeeda San Fransisico sii wadatay.

Shirkadda United Airlines waxay sheegtay “dhammaan rakaabka oo dhan in halki ay ku socden iyaga oo nabad ah la gaarsiinayo, ayna ka raalli gelineyso qofka rakaabka ah uu suuliga ku xirmay.”