Diyaarado caalami ah oo dulimaadyo ka bilabaayo Muqdisho waxaana kamid ah kuwa leeyihiin dowladaha…

Sida ay noo xaqiijiyeen howl wadeenada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa shegaayo in dhawaan lagu wado in diyaarado caalami ah duulimaad kabilabaan.

Sargaal katirsan waaxda garoonka ayaa Badweyn.com u xaqiijiyay in bilaha soo socda garoonka Muqdisho duulimaadyo toos ah ka bilabayaan diyaarado caalami ah kuwaasi oo haatan daneynaayo.

Diyaaradaha dulimaadyada ka bilabaayo garoonka waxa kamid ah UGANDA AIRLINES – SAUDIA – AL ARABIYA – SOUTH AFRICAN – AIR RWANDA and ALITALIA  kuwaasi oo dulimaadyo dhowr maalin isbuuci ku imaan doono magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa mudooyinkaan ku tilaabsanaaye hormaro aad u xoogan waxaana kusoo dhiiraday diyaarado waa weyn oo caalami ah oo kamidyihiin Turki iyo Qadar Airweys oo dhawaan dulimaad bilowday.

Isku soo wada duub diyaarado farabadan oo caalami ah ayaa haatan daneynaayo in duulimaadyo ku tagaan magaalada Muqdisho madaama suuq weyn oo ka furmay dhanka diyaaaradaha.