Diyaarado hub ka dejiyey dhuuso mareeb & weerarka Ahlusuna oo bilaabanaya

Wararka inaga soo gaaraya Dhuuso mareeb ayaa sheegaya in galabta halkaasi laga dejiyey labo diyaaradood oo siday hub iyo rasaas.

Wey adag tahay in xog badan laga helo balse sawir si qarsoodi ah loo soo qaaday ayaa laga arki karay iyadoo diyaaradahaasi ay ka daabulayeen hubka iyo saandaha garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee ugaas nuur Airport.

Sidoo kale diyaaradaha ayaa garoonka ka qaaday Ciidamo gaaraya 30 askari oo katirsan booliska gaarka ah ee Haramcad oo maalmo ka hor la geeyey caasimada Galmudug.

Ciidamada Dowlada ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa haatan wada diyaar garoow ballaaran ay ku doonayaan in ay ku weeraraan Guriceel oo saldhig u ah Culimada Ahlusunna Waljamaaca.

Shalay Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo saxaafada la hadlay waxa uu ku baaqay in lala dagaalamo hadii ciidamada Dawlada iyo kuwa galmudug weeraraan Guriceel.