Doorashada Itoobiya: Abiy Ahmed oo ku guulaystay aqlabiyad wayn

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu ku guulaystay aqlabiyad wayn oo uu ka helay doorashooyinka dalkaasi ee dibka loo dhigay, waxaa sidaasi Sabtidii sheegay guddiga doorashooyinka.

Guddiga ayaa sheegay in xisbiga Mr Abiy ee Prosperity Party uu ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, shan meelood oo meel dalkaasi ayaanay doorasho ka dhicin dhibaatooyinka dhanka farsamada ah iyo ammaan xumo awadeed.

Doorashada ayaanay ka dhicin gobolka Tigray ee ay colaaddu ka taagan tahay, halkaas oo kumannaan kun oo qof ay ku nool yihiin xaalad macaluul ah.

Doorashooyin kale ayaa waxaa loo asteeyay in 6-da bisha Sibteembar lagu qabto deegaannada aanay doorashadu ka dhicin, hasayeeshee taariikh looma astayn doorashada gobolka Tigray.

Doorashada ayaa markii horaba waxaa dib loogu dhigay cudurka safmarka ah ee Covid-19 awadii.

Mr Abiy, oo ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu codbixintan ku tilmaamay “doorasho taariikhi ah oo loo dhan yahay”.

Xukuumad cusub ayaa waxaa la filayaa in la dhiso bisha Oktoobar. Sikata oo uu xaalku ahaadase, waxaa jira walaac laga qabo hufnaanta doorashada.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay ka cawdeen in baacsiga dowladdu ee saraakiisheeda uu hakiyay qorshihii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen doorashada.

Berhanu Nega ayaa sheegay xisbigiisu, Ethiopian Citizens for Social Justice, uu gudbiyay in ka badan 200 oo cabasho kaddib markii korjoogayaashiisii ku sugnaa dhowr gobol ay hor istaageen saraakiisha maxalliga ah iyo maleeshiyaadba.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ee hoostagta dowladda dalkaas ayaa waxa ay sheegtay in xarumaha ay koormeerayeen “aanay ka jirin xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah oo culus ama baahsanba”.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, warbixin hordhac oo ay hay’addaasi EHRC soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in deegaannada qaar ay ka dhaceen “xarig aan sax ahayn”, handadaad loo gaystay codbixiyayaasha iyo “dhibaatayn” lagula kacay kormeerayaasha iyo weriyayaasha.

Sidoo kale waxa ay hay’addu diiwaangelisay dhowr dil oo la gaystay maalmihii ka horreeyay doorashada kuwaas oo ka dhacay gobolka Oromia.

Bishii May, Midowga Yurub ayaa dowladda Itoobiya waxa uu ku eedeeyay inay ku guuldarraysatay inay xaqiijiso madax bannaanida doorashadeeda.

Doorasha ayaa ah tijaabadii doorasho ee ugu horraysay ee Mr Abiy tan iyo markii uu awoodda la wareegay 2018.

Abiy Axmed markiiba waxa uu baacsaday musuq maasuqa, waxa uu sii daayay maxaabiistii siyaasadda, haween badan ayuu golaha wasiirada u magacaabay halka uu heshiis nabadeed la galay dowladda dariska ah ee Eritrea, kaddib dagaalkii xadka ee socday 1998-2000 kaas oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.

Abiy Axmed waxa uu 2019 ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, hasayeeshee sanad kaddib, waxa uu howlgal milateri ku qaaday gobol ka tirsan dalkiisa – isagoo ciidamo u daadgureeyay gobolka Tigray si uu awoodda uga tuuro jabhadda JPLF taas oo gobolkaasi maamulaysay kaddib markii ay qabsadeen saldhigyo milateri arrintaas oo Mr Abiy uu u arkay inay tahay hab la doonayo in xilka loogaga xayuubiyo.

Colaadda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumannana qof waxa ayna horseedday baahi baahsan iyo warar tilmaamaya in gobolkaasi ay macaluul ka jirto.

Sabtidii, markii ugu horraysay muddo laba todobaad ah, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa bilaabay inuu gobolka Tigray geeyo gargaar.

Dhinacyada kala gadisan ee colaadda ayaa waxa uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyay inuu hor istaagay saadka aadka loogu baahnaa.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in howlgallada bini’aadamnimo ay curyaamiyeen la’aanta adeegyada asaasiga ah oo ay ku jiraan shidaalka, isgaarsiinta iyo korontada.