Doorashada kursi ka mid ah BF oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi (Somaliland).

Kursigan oo tirsigiisa uu yahay Hop#272 ayaa waxaa ku tartamay illaa saddex musharrax oo kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Axmed, kuwaas oo marka hore codkooda weydiistayt ergada doorashada.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku soo baxay kursigan oo uu horay ugu fadhiyey Guuleed Ceydaruus Cige, kadib markii uu ka adkaaday musharixiintii la tartamayey.

Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kuraasta kale ee harsan la dardargelinayo doorashadooda, isla-markaana ay ka go’an tahay dhammeystirka xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya

Waa kursigii lixaad oo doorashadiisa lagu qabanayo gudaha Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, waxaana shalay halkan lagu doortay shan xildhibaan, halka horey loogu doortay laba kursi oo uu  mid ka mid ah ku soo baxay Mahdi Guuleed.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota gudaha dalka, iyada oo dhinaca kale ay walaac ka muujiyeen musharixiinta mucraadka qaabta ay ku bilaabata doorashada.

Si kastaba, Galmudug ayaa iyadana lagu wadaa inay maanta qabato doorashada laba kursi oo ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, taas oo ah natiijadeed mid lasii ogyahay, waxaana loo saadaaliyaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Mahad Cabdalle Cawad.