Dowlad Asian Ah oo Shuruuc Cusub Ka Soo Saartay Xafladaha Arooska (Muuqaal)

Baarlamaanka Usbakistan ayaa waxa uu xeer cusub ka soo saaray xafladaha guurka, waxaa la ogolaaday in la wacdo labo kooxood oo music-ga tuma , 3 gaari oo arooska galbiya iyo 250 qof oo marti ah ayaa ah halka ugu sarreysa ee la ogol yahay, iyadoo xeerkan hadafkiisa laga leeyahay uu yahay in la xakameeyo kharashaadka faraha badan ee lagu bixiyo xafladaha guurka oo kabadbadis u noqday dalkaasi.

Iyadoo ay jirto in  dhexdhexaad dekhliga dadka caasimadda Dhashqand iyo magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla dhex bartamaha Asia 200 iyo 300 oo dolar bishii, ayaa hadana qoyska arooska sida badan ay ku bixiyaan 20-kun oo dolar oo arooska ugu yar lagu kharash gareeyo.

Lacagtan ayaa inta badan laga soo ammaahdaa saaxiibada, qaraabada, waana arrin baryihii dambe soo noqnoqtay.

Website-ka Kon Dot You Zid ee wararka maxalliga ah ayaa sheegay in xubin ka tirsan baarlamaanka oo la yiraahdo Iqbaal Mirso, uu Jimcihii sheegay, in xeerkan cusub uu hirgeli doono sanadka soo aaddan, : “Xafladaha aroosku waxey gaareen her la oran karo waddanka ayey dhaqaalihiisa dhulka la galayaan inagoo aan cidna dagaal kula jirin.”

Dad badan oo reer Usbakistan ah ayaa waxey ku nool yihiin Ruushka, si ay u taageeraan qoysaskooda ku dhaqanka gudaha wadanka, dadkaas ayaa lacagahooda ugu badan ku bixiyay cusbooneysiinta dhismayaasha guryahooda iyo xafladaha arooska.

Madaxweynaha waddanka, Showkat Merdiyaiif, ayaa waxa uu dhaliilalay xafladaha arooska, waxa uu yiri, waxey sababaan geerida dad badan oo da’aadda kontameeyada ku jira oo wadna xanuun iyo istroog u dhinta, kadib marka ay ku adkaato iney bixiyaan lacagaha daynta ah ee ay u galaan xafladaha arooska.

Dowlad Asian ah oo Xeer Cusub oo Lagu Nidaaminayo Xafladaha Arooska Kasoo Saartay

Dowlad Asian ah oo Xeer Cusub oo Lagu Nidaaminayo Xafladaha Arooska Kasoo Saartay.

Posted by Goobjoog on Monday, 23 September 2019