Dowlada Ruushka oo weli qarineysa Khasaaraha Qarax Gantaal Tijaabo ahaa ‘Sawirro’

Dowlada Ruushka ayaa illaa iyo hada wax faah faahin ah kasoo saarin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qarax xoogleh oo ka dhacay mid kamid ah xarumaha lagu sameeyo gantaalada xambaara hubka Nukliyeerka.

Isniintii shalay ayaa markii ugu horeysay xus iyo aas qaran loo qabtay 5 kamid ah khabiiradii iyo Injineeradii hay’ada nukliyeerka ee ka shaqeenayey goobta uu qaraxa ka dhacay, walow aysan dowlada sheegin waxa sababay qaraxaasi.

Xarunta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku taal magaalada Sarov oo 370km dhanka bari uga beegan caasimada Moskow, goobtaasi oo ah xarunta ugu weyn ee lagu farsameeyo gantaalada Nukliyeerka.

Khabiirada Nukliyeerka Ruushka ayaa ku mashquulsan sameynta gantaal cusub oo ah midka qaaradaha isaga goosha oo xambaari kara Nukliyeerka isla markaana uusan raadaarka qaban karin, mashruuca gantaalkan oo uu horey ugu faanay Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ah mid cabsi weyn ku haya dalalka reer Galbeedka, waxayna ugu magacdareen gantaalkan cusub [Skyfall]

Qaar kamid ah Maamulada magaalooyinka ku dhaw saldhiga uu qaraxa ka dhacay ayaa warbixin ay soo saareen maalmihii lasoo dhaafay ku sheegay in qaraxaasi ka dib ay sare u kacday shucaaca nukliyeerka ee hareeryey hawada magaalooyinka ku dhaw goobta qaraxa laga dareemay, balse War kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa lagu beeniyey in wax shucaaca ama sunta Nukliyeerka ah ay gashay hawada deegaankaasi.

Xukuumada Ruushka ayaa dhinaca kale joojisay muddo bil ah dhamaan maraakiibta marta Badda Cad iyo halka uuku yaal saldhigaasi saaran xeebta magaalada Sarov.