Dowlado waa weyn oo dhoolatus Militari ku sameeyay Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada Badda Dowladaha Japan iyodoo Britain ayaa dhoolatus Militari ku sameeyay Gacanta Cadmeed iyo Biyaha Soomaaliya si ay u muujiyaan awoodda ay u leeyihiin kahortagga khatarta iyo weerarada Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Japan Nobuo Kishi.

Dhoolatuska ah ayaa ahaa labo cishe waxa uu dhacay Axaddii iyo Isniintii, awoodda Ciidamada difaaca Xeebaha Japan oo kaashanaya kuwa Ingiriiska ayaa soo bandhigay dhowr qorshe oo ay uga hortagi karaan qafaalka iyo sidii ay uga dabatagi lahaayeen haddii la afduubto Markab sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Difaaca Japan.

Maraakiibta Militari waxaa wehliyay Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwo fulin kara duqeymaha, waxa ay ka dul duullayaan Maraakiibta wax burburiya sida Setogiri, P-3C iyo markabkak loogu magac daray Boqoradda Britain Queen Elizabeth, waxaana ku xiran Gantaallo casri ah oo ah kuwa wax burburiya iyo kuwa difaaca.

“Waan sii wadi doonnaa awood muujinta wadajirka ah si aan u yareeyo awoodda kooxaha burcadda ah, ujeedka ugu weyn waa in nabadgalyo badaha la isaga kala gudbo guud ahaan caalamka” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Japan oo soo saaray Warsaxaafadeed uu ku muujinayo sida Dowladdiisu ay ugu qanacsan tahay dhoolatuskaas.

Japan & Britain waa labo Dowlad oo saaxiibo dhaw ah waxa ay wadajir u sameeyaan dhoolatuska ciidan si lamid ah Dalalka kale ee Ciidamada badda usoo diray Biyaha Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah oo ujeedkooda ugu weyn ku sifeeyay la dagaalanka Burcad Badeeda oo aan waayahaan geysan wax weerar ah.