Faallo: Maxaa la gudboon musharaxiinta madaxweyne?

Inta badan waxaa siyaasadda Soomaaliya aan ku baranay shaqsiyaad tiro badan oo leh han siyaasadeed oo ay rabaan in ay bulshada ugu adeegaan, balse inta badan siyaasiga Soomaaliga ah waxaanan u kala baxsaneyn macnaha ereyga “Siyaasi” iyo “Siyaasad” “Hoggaan” iyo “Hoggaamiye”.

Haddaba waa maxay Siyaasad? “Siyaasadda waa waxqabad laxiriira maamulidda siyaasadda, Ka doodidda fekradaha siyaasadeed ee kala duwan, iyo tartan dhex mara dhinacyo kala duwan oo raja ka qaba in ay ku guuleystaan mowqif siyaasadeed si ay hormuud uga noqdaan dal iyo dad, ama rajeynaya inay awood siyaasadeed gaaraan”

Waa Maxay Siyaasi?  [1] Siyaasi waa shaqsi si xirfad leh ugu dhex jira siyaasada, aqoon durugsan oo maaddi ahna u leh siyaasadda, Waxa kale oo siyaasi noqon kara shaqsi raja ka qaba una sharaxan xafiis siyaasadeed oo raba in uu guul ka gaaro. Siyaasiga maadaama uu yahay shaqsi awood u leh sharci dejinta iyo matalaadda dadka, siyaasiga sidoo kale waa midka fuliya masuuliyad loo igmaday, kaasoo sifaha laga doonay aay tahay in uu hubiyo in maamulka dadweynaha loogu dhaqmo si eex la’aan iyo dhexdhexaadnimo ah.  [2] Sidoo kale Siyaasiga waa midka qaada mas’uuliyadda dejinta, isku dubaridka, iyo go’aaminta siyaasadaha.

Haddaba su’aasha dad badan ka dhex guuxeysa ayaa ah. Soomaaliya ma leedahay siyaasiyiin xirfad ama tababar siyaasadeed leh? Waxaa inta badan la arkaa shaqsiyaad ka soo dhex muuqda saaxada siyaasadda, kuwaaso siyaasadda ku soo gala qaabab kala duwan, intooda bandanna aan lahayn xirfad iyo aqoon siyaasadeed durbadiina loogu yeero “SIYAASI HEBEL”

Ujeedka qormadan ma aha in aan ku dhaliilayo shaqsiyaadka leh hanka siyaasadeed ama raba in ay u tartamaan qabashada masiir ummadeed, balse waxaan rabaa in aan iftiimiyo in Siyaasiga aanu ahayn kaliya in aad hoggaan qabato, balse Siyaasiga dhabta ah uu yahay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh hoggaaminta haykalka dowladnimo, isla markaana u kala baxsan yihiin siyaasadda iyo hoggaanka.

Erayga Hoggaan marka aad maqasho waa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo ama aad sawirato, shaqsi raadinaya dano ummad leedahay oo sahmin kara wado lagu fulin karo horumar iyo istraatijiyo dal iyo dad, kaalin mug lehna ka qaadan kara tartranka loogu jiro horumarka dalka.

Hogaamiyaha saxda ah waa kan caawiya dadkiisa. Hoggaanka saxda waa kan dejiya jihada, dhisana aragti dhiirrigelin leh, waa midka leh hal abuur siyaasadeed. Hoggaamintiisana ay udub dhexaad u tahay khariidaynta meesha uu u baahan tahay si uu ugu guuleysato koox ahaan ama urur ahaan.

Haddaba waa kuma hoggaamiye? Hoggaamiye waa ficil lagu hago koox ama shaqsi si loo gaaro himilo gaar ah iyada oo loo marayo jiho siyaasadeed. Hogaamiyaha waa midka dadka kale ku dhiiri geliya inay qaadaan ficilada ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan. Si aad u noqoto hogaamiye daacad ah oo kasbada quluubta dadka aad hoggaamineysid, waxaa lagama maarmaan ah in aad barato kobcisana xirfadaha hoggaan looga baahan yahay.

Waxaa jira shaqsiyaad badan oo taariikhda ku qoran kuwaasoo soo hoggaamiyay dalal iyo dadyow kala duwan, balse ku sifoobay falal ka baxsan bani’aadamnimada iyo burbur, musuqmaasuq. Taasi wali miyay ka dhigeysaa hogaamiyeyaal? Sida aan aaminsanahay, hoggaamiye waa qof wax qabadkiisa lagu cabiro, dadkiisa ay u qirsan yihiin waxqabadkiisa, gaarsiiya dadkiisa iyo dalkiisa in ay helaan adeeg dowlidnimo, maareeya dhaqaalaha dalka, kana fogaada eexda iyo musuqmaasuqa. Hoggaamiyaha isku kalsoon waa midka xayndaabkiisa ay ku hareereysan yihiin saaxiibo ka celin kara qaladka, saameyn weyna ay ku leehihiin dadka ku hareeraysan.

Qof kastaa wuu ogyahay waxa hoggaanku yahay, laakiin dad yar ayaa dhab ahaan erey bixin kara, hoggaamiyaha waa midka ay lafdhabar u tahay ka fekerka mustaqbalka iyo ilaalinta midnimada si loo helo hoggaan xoogga leh.

Isticmaalka Baraha Bulshada Siyaasiyiinta:

Adeegsiga baraha bulshada ayaa inta badan lagu dhaliilay inuu yahay mid wax u dhimaya himilooyinka Musharaxiinta iyo ujeedooyinkooda siyaasadeed, isla markaana ay ku jahwareersan yihiin shacabka Soomaalkyeed ee dal iyo dibadba. Faallooyinkaan aan ka akhrino baraha bulshada intooda badan ma aha kuwa ka tarjumaayo Siyaasad, badankood waxay ka muuqdeen kuwa lagu dhaliilayo Dowladda hadda talada haysa.

Dowladda Farmaajo uma baahna dhaliil loo soo mariyo baraha bulshada, ee waxay u baahan tahay in lagula xisaabtamo siyaasad xumida, musuqa joogtada ah, nin jecleysiga ka gaabinta sugidda amniga iyo dhiiragelinta kooxda Shabab.

Inta badan Siyaasiyiinta wax ku qorta baraha bulshada, ama lacagta ku bixiya in lagu ammaano baraha bulshada waxay shacabka u arkaan kuwa aan lahayn aragti fog, isla markaana aan fahansaneyn dhibaatada jirta ee u baah in si wadajir ah looga hortago.

Maxaa la gudboon Musharaxiinta xilka Madaxweyne ee 2021?

Dalka waxaa uu marayaa marxalad adag, waxaana afartii sano ee hoggaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga dhaxlay:

1. Hoggaan xumo iyo go’aan qaadasho ku saleysan rabitaan shaqsi ama mid dano dal kale leeyahay.

2. Musuq-maasuq baahay iyo caburin joogta ah oo lagu hayo shacabka iyo maamul goboleedyada.

3. Awooddii kooxda nabad diidka ee Al-Shabab oo sare u kacday iyagoo markii ugu horreeysay taariikhda helay ilo dhaqaale oo la mid ah midda ay Dowladda ka hesho Ganacsatada iyo shacabka Koofurta Soomaaliya.

4. Eex qabyaalad, ku tagri fal awoodda xafiiska Madaxweynaha iyo in uu siyaasadeeyay howlaha ciidanka qalabka sida, isagoo iska horkeenay Ciidanka Qalabka Sida ee maamulka Jubbaland.

5. In maalin cad uu u gacan geliyay muwaadin Soomaaliyeed Taliska Itoobiya.

Lama soo koobi karo falalka gurracan ee Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, balse sida ay hadda wax u socdaan haddaanay Musharaxiinta wax ka badalin waxaa hubaal ah in Afarta sano ee socotana dalka uu Farmaajo ku qabsan doono qoriga caaradiisa.

Musharaxiinta Maxaa la gudboon?

1. In ay isku tanaasulaan si loo helo musharaxiin kooban oo la tartami kara Farmaajo.

2. In ay sameystaan madal ay ku mideysan yihiin si loo helo cudud siyaasadeed oo xoog leh si looga hortago Doorashada loo naqshadeeyay in Farmaajo loo boobo

3. In si nabad ay ku jirto loo dhaliilo loona diido falalka gurracan ee hoggaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

4. In la abuuro guddi ka shaqeeya in musharaxiinta ay yeeshaan dodo (Debate), si shacabka ay u bartaan Musharax walba waxa laga filan karo marka uu xukunka ku guuleysto. Doodda Musharaxiinta waa qeyb oo ka mid ah horumarinta Dimoqraadiyadda, waana mid shacabka u sahleysa in ay kala bartaan Musharaxiinta leh karti, aqoon iyo haybad hoggaan oo ay ku aamini karaan dalka, dadka iyo diinta.

Waxaan aaminsanahay in sanadkii 2017 bishii Janaayo haddii Dood loo qaban lahaa Musharaxiinta aanu Madaxweyne Farmaajo heli lahayn fursadda uu helay oo ahayd kaliya in uu ka faa’iideystay dagaal siyaasadeedkii ka dhexeeyay Madaxweynayaashii hore Sharif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo wareegga labaad ula soo baxay Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid oo diidanaa in dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud.

Ismail Osman – Waa taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA