Facebook oo raalligelin ka bixiyay qaab khaldan oo uu u tarjumay magaca m/weynaha Shiinaha

Shirkadda Facebook ayaa raalligelin iyo sharraxaad ka bixisay khalad dhawaan uu sameeyay mid ka mid ah mashiinadeeda wax tarjuma kaas oo magaca madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Ingriis ahaan ugu tarjumay «Mr Shithole» oo micneheedu yahay “Macallinkan godka xaarka”.

Aflagaadadan Facebook-ga u geystay madaxweynaha Shiinaha ayaa timid xilli uu madaxweynaha booqasho ku joogay dalka Myanmar islamarkaana uu wadahadal la lahaa hoggaamiyaha dalkaasi Suu Kyi.

Luuqadda Facebook-ga uu ku wareeray ee uu wax ka tarjumayay ayaa aheyd tan looga hadlo dalka Myanmar oo uu madaxweynuhu booqada ku joogay.

Facebook ayaa sheegtay in iminka la saxay khaladkaasi, eyna raalligelin ka bixinayaan.

Sababta uu khaladkan u yimid ayay shirkaddu sheegtay in uu yahay in laga waayay luuqadda Myanmar eray loogu fasiro magaca madaxweynaha islamarkaana mashiinadu ay iska “qiyaaseen” fasiraaddiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay ee qaab khaldan loo fasiro magaca madaxweynaha Shiinaja mr. Xi.