Farmaajo oo Villa Soomaaliya shir kula leh wasiirka uu Rooble magacaabay iyo Bashiir Goobe

Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha sida KMG ah uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble Gen Bashiir Goobe, ayaa hadda shir la leh Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka oo albaabada u xiranyihiin ayaan si dhab ah loo ogayn Xogta ku hareeraysan iyadoo ay xusid mudan tahay in aysan heshiis gaarin Farmaajo iyo Rooble.

Kulankii xalay dhxmaray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa xoogaa Waxaa jirtay jawi deganaansho ah Waxaana jiray ballamo ahaa in wada hadalka uu sii socda.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu si’ahaan aqbalay in taliayaha NISA uu soo magacaabo Madaxweynaha Waxaase arinka ugu adag uu hadda noqday Wasiirka Amniga oo dhanka Villa Soomaaliya si adag ay u diidantahay.